Sadiya Bajaaj oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ku Xukuntay Sadex Sano Xarig ah.

0
6

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj), oo muddo ku dhow 80 maalmood ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Go’aanka ayaa lagu dhawaaqay fadhi ay maxkamaddu qabatay, kaas oo uu guddoominayay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maxkamaddu ay ku heshay Sacdiyo qaar ka mid ah eedihii ay kusoo oogtay xeer-ilaalintu, taasoo saldhig u noqotay xukunka saddexda sano ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in Sacdiyo ay xaq u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aanka lagu riday.

Fadhiga xukunka lagu dhawaaqayay waxaa goob joog ka ahaa tiro ka mid ah bajaajleyda ka shaqeeya Muqdisho. Sacdiyo Macalin Cali ayaa kamid ahayd haweenka ku shaqeeya mootooyinka bajaajta ee caasimadda Soomaaliya.

Sacdiyo ayaa la xiray horraantii sanadkan, iyadoo lagu eedeeyay falal ay dowladda ku tilmaantay kuwo kicin bulsho iyo hadallo lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay inay ka dhan yihiin amniga guud iyo madaxda dowladda. Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo qaar ka mid ah taageerayaasheeda ayaa dhankooda ku dooday in xariggeedu la xiriiray aragtiyo iyo cabashooyin ay si nabad ah uga muujisay xaaladaha nololeed, qiimaha shidaalka, shaqo la’aanta iyo arrimo kale oo bulshada saameeya.

Lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobada sharciga ah ee maxkamaddu ku saleysay xukunka, waxaana la filayaa in qareenkeedu ka hadlo xukunkeeda, iyadoo Sacdiyo ay haysato fursad ay racfaan uga qaadato go’aanka maxkamadda.