Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa oo saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay tuullada Laas-Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug,...
Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay. In la helo xogta dagaalkaas ayaa aad u yar, maadaama aysan deegaanka ka jirin wax is gaarsiin ah, balse waxaa...
Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya in aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab. Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay dowladda federaalka in ay burburisay ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo uu sheegay inay ku filnaayeen inay Shabaab burburiyaan. "Waad garan kartaa...
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah waxay 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo basaasiin u ahaa kooxda Alshabaab. Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed  Qoslaaye, kuwaas oo Alshabab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, ayaa xeer ilaalinta maxkamadda waxay sheegtay in...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga fuliyay deegaano badan oo ku yaala Galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada...
Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan. Ciidamada Kenya oo helay xog sirdoon ayaa weerar ku qaaday goobta la rumaysan yahay in...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadaan ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud. Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Dab Xagar,...
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal saakay ka dhacay degaano katirsan gobolka Baay lagu qaarijiyay madaxii kooxda Alshabaab u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale. Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay horjoogahan inuu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ee uu ka qaadi jiray tuulooyinka Cadegeow Garaar, Warta Doolar,...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Ceel garas iyo Ceel lahelay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogahooda. Duqeynta oo aheyd mid xoogan oo laga maqlay deegaano ka fog halka ay duqeynta ka dhacday...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ka dhacay barkoontarool oo ay ku...