Maamulka goboleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degaanadii dhawaan laga xoreeyay ee gobolka Galgaduud.
Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax fiidow oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in muddo 7 cishe ka badan ay haawanayaan degaanadii...
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay qaar ka mid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed oo halkaasi shir ku lahaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Siyaasiyiintaan ayaa shirkooda kasoo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo qaarkood dhaliilo adag ay ugu jeediyeen maamulka...
Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo kaga yimid hogaanka nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la xariirta in Galmudug ay ku lug laheyd dagaal ka dhacay degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxey.
Dagaalka ka dhacay degmada Shilaabo ee lagu eedeeyay in Galmudug ku lug laheyd ayaa la sheegay iney ku dhinteen...
Howlgalka ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shaqaaqo sababtay dhimasho, taasoo axadii ka dhacday halka loo yaqaano Madiino Gate oo ah illinka hore ee xerada Xalane.
Ciidamada ATMIS ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay inuu si xoog ah ku galo xarunta Xalane, iyagoo sheegay...
WarSaxaafadeed Ka soo Baxey Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Ayaa Lagu Sheegey in Hawlgalladii ugu Danbeeyey Lagu Khaarijiyey Horjoogayaal Khawaarijta ka tirsanaa kuwaas oo Magacyadooda Lagu Soo Koobey illaa 7 Todobo Xubnood.
Hoos ka Dheeho Magacyadooda:-
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Feysal Sheikh Cali (Jife jabsade) ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka dhaqtar caan ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la aqoonsaday ninkii dilka geystay, kaasoo uu sheegay inuu magaalada ka baxsaday markii uu falka geyastay,...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey ayaa lagu soo waramaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa ka dhaqaaqay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku baxay jihooyin dhowr ah oo gala deegaanka Wabxo...
Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa Xalay weerar madaafiic ay u adeegsadeen ku qaaday deegaanka Ceel lahelay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Kooxda ayaa tiro madaafiic ah ku garaacday fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Ceel lahelay, hayeeshe lama...
Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Maxamed yare), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Deegaanka Ceel-garas ee Galgaduud.
Labada xildhibaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay qeyb ka ahaayeen gulufka colaadeed ee Alshabaab looga xoraynayo degaanada Galgaduud,...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Miisaaniyad dhan $11.4 million, ayuu Bangiga adduunku ku maalgalinayaa mashruucaan oo kusoo beegmay iyadoo nidaamka caafimaad ee dalka uu la tacaalayo...


















