Khamaarka 1Xbet oo Dawladda Soomaaliya Mamnuucdey kadib Cabasho ka Timid Shacabka.

0
485

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka adeegga 1xbet ee qamaarka lagu cayaaro, ka dib markii dowladdu ay sheegtay inuu isticmaalkiisu kasoo horjeedo diinta iyo sharuucda dalka.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay guddiga ka hortagga maalgalintaa argigixisada iyo lacag dhaqidda, ayaa lagu sheegay, in 1xbet uu saamayn xun ku yeeshay dhaqaalaha dadka, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka.

Guddigan ayaa wuxuu ku amray shirkadaha maaliyadda ka shaqeeya in aysan la macaamilin cid kaste oo ku lug leh 1xbet, sidoo kalena ay xiraan xisaabaadka maaliyadeed ee ay ku leeyihiin shirkadahooda maaliyadeed.

Dowladda ayaa horey u mamnuucay ixbet, TIKTOK iyo Telegram, hase ahaatee, qeylo dhan bulshada ka timid ayay dowladdu u hakisay in la mamnuuco adeegyadan.