Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona gudaha magaalada masuuliyiinta maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Doolow oo uu ka dhageysan doono saameynta ka dhalatay daadadka iyo fataahada is barbar socda.
“Waxaan safaro kale ku imaan doona Magaalooyinka kale ee gobolka Gedo, Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Raysal wasaare Xamse ayaa meelaha qaar ee uu kormeerka ku tagay kusoo arkay dhibaatoyinka ka dhashay daadadka iyo fatahada ku dhufatay degmada Dooloow, wuxuuna balan qaaday in dowladda intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.