Wednesday, August 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay isaga baxeen Saldhigyo ay ku lahayeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo oo ku yaal Koonfurta gobolkaas. Kooxda ayaa markii ay isaga baxayeen deegaanadaas waxay sii daayeen qaar ka mid ah maxaabiis badan oo deegaanadaas ugu xirna mudo sanado ah. War qoraal...
Guddi Isimmo ah oo ka socday SSC-Khaatumo, kuwaas oo maalmahaan ku howlanaa xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee doorashada Puntland, ayaa maanta soo saaray go’aan xal u noqon kara ismariwaaga u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweye Deni. Isimmada oo goor dhowayd saxaafadda kula hadlay Garowe, ayaa guddoonshay in doorashada madaxweynaha...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Guddiga Fulinta Cimilada Maaliyadeed ee Adduunka oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee guddigan. Ku biirista Soomaaliya ee guddigaan ayaa lagu shaaciyay munaasabad ka dhacday magaalada Dubia ee dalka Isutaga Imaaraadka...
Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday ku dhawaad $7 milyan (£5.5 milyan) oo ah maalgelin dheeri ah oo lagu taageerayo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jirta Soomaaliya. Bishii la soo dhaafay, roobab xooggan oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalka, ayaa saameeyay in ka badan laba...
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay kamid tahay waddamada ansixiyay Qaraarka Golaha Ammaanka ee meesha looga saaray cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo 1992-kii. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay bayaan ay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka...
Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika. Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay burcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtiis oo...
Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta fagaare ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal ciidamo cusub oo Macawiisleey ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha...
Hay'adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Waa gargaarkii ugu ballaarnaa ee ay bixiso hay'ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Salaam Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii ugu dambeeyay...
Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay hoos u dhac laga dareemay biyaha wabiga Shabeelle oo bishii hore bilaawgeedii ku fatahay xaafadaha Baledweyne ayaa maamulka gobolka Hiiraan waxa uu soo saaray maanta amaro cusub. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro uu sheegay in lagu ilaalinayo badqabka wadada laamiga ah ee gudaha magaalada...
 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay. Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Caddoow Jilib gaab oo Al-shabaab u qaablisanaa baada shacabka ku nool gobalada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa ka...