Israa’iil Oo Weerar Duqeyn Ah Ku Dishay Lataliyihii Ilaalada IRAN Ee Suuriya.

0
186

Maalinka Jimciha ah ee Maanta Ayaa lagu dilay Lataliyihii Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Dimishiq weerar gantaal ah oo ay Israa’iil la beegsatay degmo ku taal koonfurta caasimadda Suuriya

Dawladda Suuriya Wakaaladeeda wararka ee SANA, oo soo xiganaysa ilo milateri, ayaa sheegtay in milatariga waddanku uu soo riday tiro gantaallo ah oo ay Israa’iil kasoo riday buuraha Golan Heights ee koonfurta Dimishiq.

Ciidamada Israa’iil ayaa sanado badan weeraro ku qaadaysa waxa ay ku tilmaantay bartilmaameedyada Iran ee Suuriya, halkaasi oo saamaynta Tehran ay kor u kacday tan iyo markii ay billowday in ay taageerto madaxweyne Bashar al-Assad, 2011-kii xiligii uu bilowday dagaalka sokeeye.