War Deg Deg ah ;: Ciidamo Ethiopian oo Lagu Soo Waramayo in ay Kasoo Gudbeen Xuduudka Gobolada W/galbeed ee Soomaaliya.

0
618

Wararka Naga Soo Gaaraya Gobolada Waqooyiga Soomaaliya Ayaa Sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay kasoo gudbeen Xuduud Beeneedka Labada Dal Ciidamada ayaa Qaar waxa ay ku Socdaan baa La leeyahey Goobtii Loo Calaamadiyey Saldhiga Ciidamada Ethiopia iyadoo ay hore usii Joogeen Ciiidamo Soomaaliya oo Taliska Muuse Biixi uu halkaa u Direy.

Ciidamada Soomaalida ayaa Tiradooda lagu Sheegay ilaa iyo 400 oo Wata 25 gaadiid ah kuwaas oo isugu jira Baabuurta Hubka Xambaara iyo kuwa Xamuulka Qaada lama sheegin Tirada kuwa Ethiopianka ah,waxaase wararku Intaas ku Darayaan in kuwo kale ay ku Wajahanyihiin Magaalada Hargeysa,iyagoo hor dhac u ah wafdi xagga dhulka Soo maraya oo uu Hoggaaminayo Nin La Sheegay in loo Magacaabey R/wasaare Ku Xigeenka Ethiopia.

Wararka ayaa waxey Intaas Ku Darayaan In is Afgarad ku sheegii Muuse Biixi iyo Abiy uu waqtigiisu Khamiistii Bisha feb kowda Aheyd uu ku ekaa mudadiisuna aheyd 30 cisho oo ka bilaabaneysay kowdii Jan ee Bishii Dhamaatey sanadkan 2024.

Dhanka kale Gudoomiyaha Urur Goboleedka EGAD M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wada Qaban qaabada Kulan Mar kale ay Codsatey Ethiopia iyadoo ka baaqatey kii kal hore ka dhacey dalka Uganda magaalada Kampala iyadoo uu markii hore M/weyne Ismaaciil Cumar Geele uu Diidanaa in uu yeelo Dalabka Ethiopia ayaa waxaa la Saarey Culeys Dhaqaale oo ah in Ethiopia ninka Hor boodaya waa Abiy Ahmed uu yiri Dekedda Djabuuti waan ka Guurayaa Hadii aad Shirkaas Qaban weydid.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa Mar uun Doonaya in uu Dhinac istaago Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu isku Sawiro si uu Caalamka Been uga Gado oo uu yiraahdo Anaga ayaa hawlaheena Hoos u Dhameysaneyno,Abiy ayaa Dunidu la wada yaabantahey Waalidiisa Maadaama Jabhado hubeysani Caasimada usoo jiraan Qiyaastii 80km wax Ka Yar hadana Dal kale Amuurihiisa uu Faraha La galo.

wararkan iyo wixii kusoo kordha wararkeena Soo socda ayaad uga bogan doontaan Insha allaah,iyo wixii dawlada Soomaaliya kasoo baxaba.