Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Shabaabku ku qaadday xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah oo safar ahaa aya ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe. Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari noociisu Soomaalida u taqaano...
Orodyahanka reer Canada Moh Ahmed, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku dhameystay kaalinta afaraad tartanka  Olombikada ee ka socda  Paris. Axmed ayaa ku orday 26:43.79, isagoo wax ka yar ilbidhiqsi ka hoos maray orodyahanka bilada dahabka ah ee Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda, kaas oo dhigay rikoorka...
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo goordhaw shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xalay kooxda Al-shabaab ku qaaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilawday...
Qaraxyo is Daba Socdey ayaa Caawa lagu Weeraray Xeebta Liido oo Marti gelineysay Dadkii Nasashada Jimcaha ku jirey Taas oo Mar Qura isu Bedeshay Meyd iyo Dhaawac iyadoo aan ilaa Hada La Xaqiijin Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashey Qaraxyada. Wararka Naga Soo Gaaraya Xeebta Liido ayaa Sheegaya in Dadkii...
 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirweynihii labaad ee culuma’udiinka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay la-dagaalanka Alshabaab, dowladnimada Soomaaliya, gooni-isu-taagga iyo khataraha bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday doorka muhiimka ah ee culimadu Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarka dalka....
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa todobaadka cusub ee berri ah isugu imaan doona kalfadhi si ay dib u eegis ugu sameeyaan Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib howlgalka Midowga Afrika ee  Soomaaliya (ATMIS). Kalfadhigan oo markii hore loo qorsheeyay 25 Luulyo ayaa dib loo...
 Booliiska Puntland ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan fuusto xiran oo kusoo caariday xeebaha gobolka Mudug, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo sun ah. Fuustadan ayaa waxay saraakiishu ka shakiyeen in ay biyaha kaga tageen dadka qashinka halista ah ku daadiya badda. Foostada ayaa toddobaadkan ku soo...
Dowladda Soomaaliya cambaareysay dilka Israa’iil u geysatay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, dilkaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan. Dowladda Soomaaliya waxay falkaas ku tilmaamtay inuu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. “Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo...
Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya toddobaadyo gudahood u soo dirto markabkeeda seismic ah, si uu u bilaabo sahaminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah heshiis ballaaran oo dhex maray Ankara iyo Muqdisho, kaas oo...