Waxaa Caawa Mar qura is Qabsadey Rasaas la garan waaayey waxa ay tahey hase yeeshee waxaa markii danbe La ogaadey in Rasaastu tahey Beel kamid ah BeelHa Soomaaliyeed oo u dabaal degeysay Calan ay si gaar ah u Sameysteen iyo Awooda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Beeshaan oo deegaan ahaan degta Gobolka Hiiraan Qeybo ka Mid ah ayaa waxey ka soo horjeesatey Maamulka Hirshabeele waxeyna Sameysteen Calsn iyo Magac u gaar ah (calan ka kooban labo midab mid muujinaya oo u eg Calanka jamhuuriyada Soomaaliya iyo midab kale oo uu ka dhex muuqdo Geedka baarka la dhaho oo magaalada Beledwyne Caan ku tahey..
Dad badan oo Cabsi iyo khal khal galay ayaa markii baraha bulshada lasoo geliyey Dabaal degga Hiiraan State ayaa xaaladoodu Caadi Noqotay isla markaana Boorsooyinka Dhulka Dhigay.