Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay oo gubay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Al-Shabaab, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay u isticmaalaan Niqaabka inay ku qariyaan aqoonsigooda xilliyada ay weerarrada qaadayaan. Warsame...
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ay xaqiijisay taageerada 99% ergooyinka, si ay si rasmi ah ugu noqoto musharraxa madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii la soo gabagabeeyay shan maalmood oo cod bixin online ah. Waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee madow ah oo xisbigeeda...
Gen. Sam Kavuma oo u dhashay dalka Uganda ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Waxa uu bedelay Lt. Gen. Sam Okiding, oo bishii April ka tagay shaqada si uu u noqdo ku xigeenka madaxa ciidamada difaaca dadka Uganda (UPDF). Gen. Sam Kavuma oo...
Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, maxaabiis ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku xukumnaa dil toogasho ah ayaa ka baxsaday xabsi kuyaala waqooyiga magaalada   Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Maxaabiista baxsatay oo sugayay in lagu fuliyo xukun dil ah, kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo isugu jira dilal iyo...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay iney horay dilal ugu geysteen laba qof oo shacab ahaa. Labada nin ee toogashada lagu fuliyay maanta ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cismaan Colow iyo Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday weerarkii kooxda Al-shabaab ka geystay habeeno ka hor Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuulyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo boqolaal ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, kuwaas...
Guddi loo xilsaaray nabadaynta colaadda degmada Luuq ayaa soo saaray go’aamo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaaddii u dhaxaysay saddex beelood oo wada degmada Luuq ee gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo katirsan guddiga nabadaynta loo xilsaaray, ayaa sheegay in beelaha dagaalamay mid kaste lagu...
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin. Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay, kaddib markii uu xalay ku booqday isbitaalka Erdogan qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay weerarkii Shabaabku ka...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxay xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah. Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi...
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ururka Kaah ee Somaliland ayaa saaka magaalada Hargaysa ku kala saxeexday heshiis rasmi ah oo iskaashi. Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in  taageerayaasha Kaah u codeeyaan musharraxiinta Waddani ee madaxtooyada isla markaana, Kaah saami laga siiyo xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro, soo dhisayo haddii uu guullaysto. Waxa kale...