Kuwii ka Danbeeyey Dilkii Allaha U Naxariistee Ismaaciil Haniya oo Dawladda Soomaaliya Cambaareysay.
Dowladda Soomaaliya cambaareysay dilka Israa’iil u geysatay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, dilkaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.
Dowladda Soomaaliya waxay falkaas ku tilmaamtay inuu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.
“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo...
Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya toddobaadyo gudahood u soo dirto markabkeeda seismic ah, si uu u bilaabo sahaminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah heshiis ballaaran oo dhex maray Ankara iyo Muqdisho, kaas oo...
Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iiran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay dilkii loogu geystay gudaha magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iran hoggaamiyahii garabka siyaasada dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa wacad ku maray ciqaab adag iyo aargoosi ka dhan ah Isra’iil.
Dilka Ismaaciil Haniyah ayaa ka dhacay guri uu ka degana magaalada Tehran...
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo loo haysto inuu magaalada Boosaaso ku dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.
Eedeysanaha oo baxsad ah ayaa lagasoo qabtay deegaanka Durduri oo hoos taga magaalada Boosaaso, waxaana qabashadiisa gacan...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii la ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab ee wali ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukumada Danqaran ay ka go'an tahay ka guul gaarista sidii Al-shabaab looga saari...
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Ethiopia inay isku dayayso inay iska horkeento Soomaaliya iyo dalalka deriska iyo kuwa kale ee taageerada siiya, si ay hoos ugu dhigto xiriirka kala dhaxeeya iyo garab istaaggooda Soomaaliya.
Wasiir Axmed Fiqi oo ay su'aallo weydiinayeen...
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in kooxda Alshabaab ay weli halis weyn ku tahay ammaanka iyo xasiloonda dalkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda amniga ay ku jiraan xaalad feejigaan ah, si ay uga hortagaan Alshabaab.
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia...
Hoggaamiyahii dhaqdhaqaaqa Ururka Xamaas ee dhanka siyaasada Ismaaciil Haniyah ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu dilay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan oo uu kaga qeyb galaayay xaflada Caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalkaas.
Geerida Ismaaciil Haniyah waxaa lagu baahiyay Wakaaladda Wararka dalka Iiraan, waxaana daqiiqo kadib baahintaas si weyn uga...
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka, sida ay sheegtay maamulka Isgaarsiinta Turkiga
“Intii lagu guda jiray wada hadalka, Madaxweyne Erdogan ayaaa muujiyay muhiimadda ay Turkigu siinayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa...
Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ka fulin lahaayeen deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.
Kooxda Alshabaab oo isku diyaarinayay inay weerarka qaadaan ayaa waxaa xogtooda helay hay’adaha sirdoonka Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka Kenya ayaa...


















