Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku sheegay in khilaafkii asaga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi u dhexeeyay in la soo afjaray, islamarkaana uu kusii shaqeyn doono kursigiisa Senatarnimo.
Khilaafka soo kala dhex galay labadaan masuul ayaa ahaa mid ka dhashay talaabo uu qaaday guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahayd inuu ku dhawaaqay in Senator Saalax Axmed Jaamac uu soo xaadiri waayay kalfadhiyadii Golaha Aqalka sare, islamarkaana uu lumiyay xubinimada kursiga uu ku fadhiyay, waxaana arintaas ka horyimid inta badan mudaneyaasha golaha Aqalka sare iyo Raysal Wasaare ku xigeenka khudhiisa.
Qoraalada kasoo baxay Xafiisyada gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay masuuliyiintii dhexdhaxaadiyay in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeyay labada masuul.
Hoos ka akhriso qoraalada labada masuul oo dhameystiran:-














