Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Masar oo siday shaqaale iyo qalab ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo muujineysa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar. Imaatinka diyaaradda C-130 ayaa daba socotay kulan  labo todobaad ka...
Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay gacan ku leedahay xiisada ka taagan gobolka Sanaag. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise 'Shiine', oo warbaahinta la hadlay, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay xasarada ka aloosaan gobolka Sanaag. "Sidaad la socotaan Somaliland waxay u jihaysatay in ay qabato doorashooyinkii...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro loo adeegaaday qaraxyo bambaanoyin ah oo Xalay kooxda Al-shabaab ka geysatay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Bambaabooyinka oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ayaa kooxda Al-shabaab ay ku weerartay guryo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay hub ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado is-miidaaminta, kuwaas oo aan horay loogu arkin gudaha dalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray toddobo qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabab ama Daacish, kaddib howgallo lagu baaray kolonyo gaadiid...
Hay’adaha ammmaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab, kuwaas oo laga qabtay gudaha magaalada Garowe, sida Warbaahinta uu  u xaqiijiyay sarkaal amni. Raggaan ayaa la qabtay kaddib markii hay’adaha sirdoonka Puntland ay heleen macluumaad ku saabsan in shabakad katirsan...
Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa shalay deeq lacageed gaarsiiyay qoysaska dadkoodii ku dhinteen weerarki kooxda Al-shabaab ka geysatay xeebta Liido 2-dii bishaan Agoosto. Lacag dhan $2000 oo dollar ayaa guddigu uu gudoon siiyay qoyskiiba 36 ruux oo ka socday ehalada dadkii ku dhintay weerarkii...
Puntland ayaa si kulul u beenisay hadal dhawaan ka soo yeeray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo ku aaddanaa in Puntland ay  toogtay carruurta aan qaan-gaarin. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku gacan seyray eedeymahaas, wuxuuna caddeeyay in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen "Dad...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka mid ah gobolada dalka looga fariistay Imtixaan laga qaadayay macalimiin cusub oo ka mid noqon doono Macalimiinta Qaranka. 13,250 qofood oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa u fariistay Imtixaanka oo uu maanta daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax...
koox hubaysan oo hore u sheegay in ay u dagaalamayaan urur siyaasadeedka Horseed ee Somaliland, ayaa saaka weerar arbushaad u badan ku qaaday magaalada Balligubadle. Kooxdan oo kasoo horjeeda go'aankii lagu xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee doorashooyinka, ayaa weerarka ku qaaday saldhiga booliiska ee Balligubadle, sida uu SKY Cable u sheegay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo Xalay lala beegsaday Suuqyo waa weyn oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho. Qaraxyadaan oo sababay khasaare baaxad leh oo gaaray goobo ganacsi oo badan ayaa lala eegtay suuqyada lagu magacaabo Safa iyo Marwa oo ah suuqyada ganacsi...