Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xerada tababarada ciidanka ee Jenaraal Dhagabadan kula wareegay gaadiid iyo gab kale oo ciidamada loogu talo galay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi oo ka hadlay munaasabada ayaa si weyn uga mahadceliyay gaadiid iyo agabka ciidan ee maanta ay kala wareegeen Midowga Yurub iyo taageerada Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
“Waxaan maanta Xerada Jenaraal Dhagabadan kula wareegnay gaadiid iyo agab kale oo ciidanku leeyahay, taasoo loogu talo galay ciidanka xoogga dalka wax weyna ka tari doonta dagaalka ciidanka xoogga dalka kula jiraan Khawaariijta” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Agaasime ku xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins oo dhankiisa ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta ku wareejiyo dowladda Soomaaliya gaadiid iyo agab Militari oo muhiim u ah ciidanka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo gaadiid iyo agabka ciidamada, waxaana xusid mudan in tiro dhowr jeer oo hore lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya gaadiid iyo qalab kala duwan oo loogu talo galay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.













