Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab ayaa si gaar ah uga socda Galbeedka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha oo ah...
Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah oo noocoodu yahay Bell 412EPX, taasoo noqonaysa tii ugu badneyd ee la geeyo dalka Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka. Diyaaradahan oo qiimahooda lagu sheegay 16 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay inay siisay...
Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixisay in la joojiyo dadka qaar oo bilaabay in ay ka qaxaan magaalada Ceerigaabo, sidookale bandowga magaalada saaran  ayay sii xoojiyeen. Guddida nabadgalyada ayaa amar ku bixiyay in anay jirin cid ka bixi karta magaalada oo qaxaysa, guddidu waxay sheegtay in qaxa ay...
Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, ayaa  ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay sii xumeeynayaan xiisadda labada dal ee deriska ah. Isagoo sheegay  in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay hay'ado shisheeye oo doonaya inay khal-khal geliyaan gobolka. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcaha maanta, ayuu sheegay...
Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada ayaa dhigay bannaanbax ballaaran oo ay ku taageerayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool. Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen  Al-Shabaab, iyagoo...
Iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu gabagabo ku dhow yahay dhammaadka December 2024, waxaa soo baxday xaalad la yaab leh oo xasaasi ah oo ay ku lug leeyihiin dhowr askari oo Itoobiyaan ah oo hadda ku sugan Soomaaliya. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan sirdoonka ciidanka qaranka Soomaaliya,...
Itoobiya ayaa ka dhawaajisay walaac ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) una guuri doona howlgal cusub oo taageero nabadeed, taasoo muujineysa sida ay sheegtay Ethiopia, khatarta ka dhalan karta xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday inay ka walaacsan tahay hannaanka...
Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha iyo waliba magacaabista masuul cusub. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Saalax Axmed...
Shirkadda Favori oo maamusha adeegyada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa walaac ka muujisay in hay'adda duulista Soomaaliya ay fara galin ku hayso xuquuqdeeda gaarka ah oo ay ku ururiso dhammaan kharashaadka socdaalka ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib markii ay dhawaanahan soo baxeen warar ku saabsan...
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xiray askari boolis ah oo muuqaal iska soo duubay isagoo xad-gudub ku sameynaya dadka degmada Dharkenley ee Mogadishu. Muuqaalka ayaa muujinaya askariga oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Warsame oo qori ku fiiqaya dad waddada maraya. Warsame ayaa ku dooday in uu muuqaal iska duubayay. Taliska...