Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeroyooday dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dooxada Laashimo ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Dagaalka oo billowday shalay ayaa salka ku hayay muran la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana uu sababay...
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, ayaa magaalada Ouagadougou kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto ballaarinta iskaashiyada caalamiga ah ee dhinaca amniga.
Kulanka ayaa dhacay intii uu Wasiir Fartaag ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu...
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa dalbaday inay si toos ah ula hadlaan wakiillo ka socda dowladda Pakistan, sida ay sheegeen ilo ku dhow burcad badeedda, iyadoo xaaladda la haystayaasha ay sii kordhinayso walaaca qoysaskooda.
Burcad-badeedda ayaa sidoo kale dirtay sawirro cusub oo muujinaya 17 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha markabka Honor 25,...
Mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan weli kalsooni buuxda ku qabin gogosha wadatashiga ee uu dhigay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere oo ku hadlayay afka Mucaaradka ayaa sheegay inay weli ka tashanayaan sida ay uga jawaabi doonaan casuumaadda uu madaxweynuhu diray.
“Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu soo diray casuumaad, annaguna...
Puntland ayaa xabsiga ku dhigtay afar nin oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin burcad-badeedda Soomaalida ee gacanta ku haysta maraakiib ganacsi oo lagu afduubtay xeebaha maamulka.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga la xiray uu ahaa turjubaanka mid ka mid ah burcad-badeedda haysata...
Dowladda Iran ayaa si adag uga digtay qorshaha cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kaas oo lagu magacaabay “Mashruuca Xoriyada”, laguna doonayo in maraakiibta ku xanniban lagaga saaro marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Xildhibaan sare oo ka tirsan baarlamaanka Iran, Ibraahim Caziizi (Ebrahim Azizi), ayaa sheegay in...
Xiisad cusub ayaa ka taagan xeebaha Yemen kadib markii ay adkaatay in dib loo soo celiyo markab shidaal oo lagu magacaabo “MT Eureka”, kaas oo laga soo afduubtay xeebaha gobolka Shabwah, islamarkaana ay saarnaayeen 12 badmaax oo u kala dhashay Masar iyo Hindiya, Waxaa sidoo kale soo baxaya shaki...
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray jadwalka dhammeystiran ee doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka ee sanadka 2026, iyadoo doorashooyinka ugu horreeya ay ka bilaaban doonaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed bishaan aan ku guda jirno ee May.
Sida ku cad jadwalka guddiga, Dowlad...
Howlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay casuumaadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay dhinacyada siyaasadda si loo qabto shir looga arinsanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka uu maraayo si looga wada hadlayo arrimaha masiiriga ah oo ay Dowladda iyo Mucaaradku isku...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya in ay ka qeyb galaan kulan magaalada Muqdisho ka dhicidoona 10-ka May 2026.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in casuumaaddan ay timid kaddib wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay dhinacyada kala duwan ee bulshada toddobaadyadii...


















