Wasiirka Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, Cismaan Isaaq Maxamed, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay soo qabato madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, isla markaana ay u gudbiso hay’adda booliiska caalamiga ah ee Interpol, si loogu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay fududeyn karto in Lafta-gareen lala xisaabtamo, isagoo ku eedeeyay inuu masuul ka yahay weerarro iyo qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo.
“Waxaan dowladda Kenya ka codsanaynaa inay soo qabato Cabdicasiis Lafta-gareen, kadibna Interpol loo maro si gacanta loogu soo geliyo dowladda Soomaaliya, looguna sameeyo isla xisaabtan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay ciidamada taabacsan Lafta-gareen inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, isagoo sheegay in maleeshiyaadkaasi ay qalqal ku hayaan amniga magaalada Baydhabo.
Wuxuu intaas ku daray in haddii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay isa soo dhiibaan, loola dhaqmi doono sida xubnaha Al-Shabaab ee ka soo goosta kooxda oo isku soo dhiiba maamulka Koonfur Galbeed.
Hadalka Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad iyo dagaallo ay ka dhex taagan yihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo hore uga tirsanaa hoggaanka Lafta-gareen.













