Booliska Hirshabeele oo Sheegay in Magaalada Mahadaay ay ku Dileen Labo Nin Al-shabaab Ka Tirsanaa.

0
5

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay laba nin oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kaddib markii lagu eedeeyay inay miinooyin ku aaseen suuqa xoolaha ee degmada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Mahadaay, G/le Suleymaan Cowsey, ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xog ku saabsan qorshe ay kooxdaasi ku doonaysay inay miinooyin ku waxyeelleeyaan shacabka.

Sida uu sheegay taliyuhu, ciidamada ayaa si degdeg ah uga howlgallay goobta, waxaana la toogtay labada nin ka hor inta aysan fulin qorshahooda.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka labada nin iyo mid ka mid ah miinooyinka lagu sheegay in lagu aasay suuqa xoolaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in miinadii kale ay qaraxday, iyadoo ciidamada ammaanku ay sheegeen inay meesha ka saareen khatartii loo maleegayay shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad-goboleedyadu ay kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan waddooyinka iyo goobaha ay shacabka ku badan yihiin.