Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Qoysaska qaar ka mid ah shaqaalaha markabka shidaalka ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa ka dhigay dibadbax magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday in la sii daayo ehelladooda oo muddo 23 maalmood ah gacanta ugu jira burcad-badeed Soomaali ah. Markabka MT Honour 25 oo wata calanka Palau ayaa la...
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, sababo la xidhiidha xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta France 24 ayaa sheegay in qorshihii dib loogu furi lahaa xadka uu hakad galay kadib markii...
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullahi Shimbir, ayaa sheegay in doorasho kasta oo laga qabanayo gobolka ay tahay in lagu saleeyo wadatashi iyo sharciyad, isaga oo sheegay inaan maamulka gobolka lagala tashan qorsheyaasha doorashooyinka la sheegay in laga qabanayo Gedo. Gudoomiye Shimbir ayaa sheegay in wada-hadallo ay kula yeesheen Dowladda Federaalka magaalada...
Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana cadaadis ku saareyso mucaaradka si ay u taageerto dhinac siyaasadeed gaar ah. Bayaan kasoo baxay waaxda xiriirka iyo warfaafinta madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in...
Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Hassan Sheikh Aden ayaa ka digay in la musuqmaasuqo doorashada ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay guddiga doorashada iyo dowladda inay si caddaalad iyo hufnaan leh u maareeyaan natiijada codbixinta. Doorashada oo dhacday Axaddii lasoo dhaafay ayaa lagu waday...
Wadamada Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Boqortooyada Urdun ayaa si adag u cambaareeyay dhacdo lagu afduubtay markab shidaal oo ka yimid biyaha caalamiga ah ee Yemen, kaas oo sida la sheegay ay la socdeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar, kadibna loo jiheeyay biyaha Soomaaliya. Saddexda dal ayaa bayaan ay soo saareen...
Madasha samata-bixinta ayaa ku dhawaaqday bannaanbax kale oo Muqdisho ka dhicidoona 16-ka may kaddib ay dowladda federaalka ku eedeeyeen in ay hor istaagtay bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen inuu shalay ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen in loogu hiilinayay dad laga barakiciyey guryahooda. Madasha waxay sheegeen inay inay sii wadi...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qayb galayo xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo dhici doonta Talaadada, laguna qabanayo Kololo Ceremonial Grounds. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah imaatinka hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah oo isugu yimid...
Wararka ka imanaya caasimadda Tripoli ee dalka Libya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka iyo kooxo hubeysan ay tan iyo maalintii Jimcaha qabqabteen in ka badan 600 oo muhaajiriin ah, kadib howlgal ballaaran oo laga sameeyay xaafado kala duwan oo magaalada ah. Dadka la qabtay waxaa ku jira Soomaali tiro badan....
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay su’aal ka taagan tahay sababta ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku bannaanbaxooda ugu asteeyeen isla maalintii ay ka dhacaysay doorashada qof iyo cod ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, hadal uu kaga dhawaajiyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa hambalyo u...