Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa Axadda ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo lagu waday inay dhacdo 18-ka May 2026. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in hakinta doorashada ay la xiriirto sugitaanka go’aanka Maxkamadda Sare...
Mudaharaad lagaga soo horjeedo munaasibadaha 18 May ayaa maanta ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii qaar kamid ah dhallinyarada magaalada ay taayiro ku gubeen qaybo kamid ah magaalada. Wararka laga helayo Borama ayaa sheegaya in ciidamada booliisku ay rasaas rideen si ay u kala eryaan dhallinyarada...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda saaray hirgelinta Dastuurka cusub, ansixinta siyaasado, heshiisyo caalami ah iyo xeerar muhiim u ah maamulka dowladnimada. Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay Qorshaha Hirgelinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo...
Urur-goboleedka (IGAD) ayaa soo dhaweeyay wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 13 illaa 15 May 2026. War-saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha guud ee IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu “si dhow ula socday” natiijada wada-tashiyada, islamarkaana uu dhiirrigelinayo in la...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka xun tahay in wadahadalladii siyaasadeed ee u dhexeeyay dhinacyada Soomaalida ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, inkastoo dib loo bilaabay wada-hadalladaasi intii u dhaxaysay 13 illaa 15-ka May. Bayaan ay soo saartay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayay ku ammaantay dhinacyada dib u...
Danjiraha ay Israa'iil dhawaan u magacawday Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu si degdeg ah ugu sii fidayo dhinacyo badan oo ay kamid yihiin amniga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo ganacsiga. Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iiliga ah ee N12, Lotem waxa uu sheegay...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isagoo xusay in arrintaas ay waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay, isla markaana aysan ahayn go’aan uu isagu gaar u qaatay. Khudbad dheer...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu si rasmi ah u galay marxalad cusub oo loo guurayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ee lala lahaa qaar kamid ah mucaaradka. Warsaxaafadeed kasoo baxay...
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saaraan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo jadwalka loo asteeyay, xilli wada-hadallada siyaasadeed ee Muqdisho ay galeen maalintoodii saddexaad. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa...
Dowladda Ruushka ayaa qorsheyneysa inay gargaar cunto soo gaarsiiso Soomaaliya si loo taageero bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA). Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha...