Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada uu ku tilmaamay kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo.
Ugaas Xasan ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu socdo howlgalka, isagoo sheegay in dadka iyo carruurta aysan ka bixin guryaha ilaa ciidamada ay soo afjaraan howlgallada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada kala duwan ee ka dagaallamaya magaalada iyo kuwa meelaha kale jooga ay is dhiibaan, isagoo ugu baaqay ciidamada inay soo gaaraan goobaha loo asteeyay in lagu sameeyo diiwaangelin iyo habraacyo kale.
Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada uu taageerayo ay doonayaan inay gudaha magaalada galaan, isagoo ciidamadooda ugu baaqay inay dadka gacanta u fidiyaan oo ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka is dhiiba.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Baydhabo saaka laga soo sheegay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen.
Waa dagaalkii labaad oo labo todobaad kadib ka dhaca magaalada Baydhabo, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli maalmo ka hor magaalada Baydhabo la geeyay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u difaacaan magaalada.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ay ciidamada Lafta Gareen ku soo qaadeen magaalada Baydhabo, iyadoo labada dhinac ay guulo ka sheeganayaan khasaaraha dagaalka.













