Shirka Belgrade ee Dalalka aan Iskaashiga Lahay ee NAM oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka Hadlay arrimaha Amniga iyo Dhaqaalaha Adduubka.

0
8

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay yihiin qaar ka mid ah caqabadaha waaweyn ee maanta horyaalla dunida, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo xalal wadajir ah.

Xasan Sheekh ayaa shirka uga warramay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladeed iyo horumarinta dalka.

Waxa uu uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay Soomaaliya si joogto ah u siiyaan, isagoo sheegay in iskaashiga caalamiga ahi uu muhiim u yahay dadaallada dalka loogu dhisayo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida dalalka, midnimada dhuleed, caddaaladda iyo sinnaanta.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda xal nabadeed loogu raadinayo khilaafaadka caalamiga ah, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida iyo shuruucda caalamiga ah.

Shirka Belgrade ayaa isu keenaya dalal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, iyadoo ajandaha kulanka diiradda lagu saarayo xaaladda caalamka, iskaashiga dalalka iyo caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee xilligan taagan.