Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Tallaabadii shalay ay xubnaha Baarlamaanka ku ansixiyeen xeerka Guddiga doorashooyinka Federaalka mid sharci dara ah waxana uu shaaca ka qaaday in ay sii fogaynayso xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta si wadajir ah Warbaahinta ugu qabtay shir jaraa'id ayaa si adag uga horyimid talaabadii maanta ay Xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed...
Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha kadib fadhi wadajir ah ay ku yeesheen aqalka Villa Hargeysa.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta shir gudoominayay fadhigii ay uwada dhamaayeen labada...
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa billowday baaritaan ku aaddan in si lama filaan ah loo waayay akoonnada Facebook-ga ee ay leeyihiin shaqsiyaadka dhaliila dowladda. Dhacdadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan ku lug lahaanshaha dowladda, inkastoo saraakiisha ay beeniyeen sheegashadaas.
Mustafe Sheekh, Agaasimaha Guud ee Hay’adda NCA, ayaa sheegay in dhibaatadu...
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii wada hadal dhex dhexaadin ah oo ay garwadeen ka tahay Kenya lagu xalin waayay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay nidaamka Doorashada cusub ee hal qof iyo hal cod ee dalka...
Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay sii wadi doonto dadaalkeeda lagu wiiqayo Al-Shabaab.
Ambassador Nebiat Getachew, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ee dhimista khatarta al-Shabaab ee gobolka.
"Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankayaga, dadaallada looga hortagayona waa ay sii...
Nabadda Doorashada Somaliland oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Federalka Soomaaliya Bogaadisay
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hanaanka dimuquraadiga ah iyo jawiga nabdoon ee kusoo gabagaboowday doorashada ka dhcday deegaanada Somaliland.
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay awood siinta shacabka Soomaaliyeed iyo...
Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Al Cadaala ayaa ka jawaabay eedeyn Dowladda Federaalka uga timid Maamulka Puntland taa oo ahayd inay xirtay Page kii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Wasiir Al Cadaala ayaa ku tilmaamay eedeyntaasi mid aan raad lahayn, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay...
Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ethiopian kii kusoo qaxay Magaaladaasi ay bilaabeen xaalufinta birihii magaaladaasi yaalay, waxaana ay shacabka shaaca ka qaadeen in labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Oromada ay birihii dhan ay u daabuulaan warshadahaha biraha ka shaqeeya ee Ethiopia.
Bile oo kamid...
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Saldhigga Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo kuwa Jubbaland.
Wareejintan ayaa qeyb ka ahayd istiraatijiyad loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loo dhimo joogitaanka ciidamada Midowga...


















