Saturday, June 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Qaramada Midoobay ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar ka qoondaysay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah si ay u taageerto ka hortagga abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqday Ku-simaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah Joyce Msuya. Soomaaliya ayaa wajaheysa halis ku saabsan abaarta ay sababtay El Niña,...
Hay'ad xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistaan ku xaqiijisay in amarrada daad-gureynta Israa'iil ee Marinka Gaza ay ka dhigan tahay "dambi dagaal" oo ay u taagan tahay "barakac xoog ah" oo la micno ah isir sifeeyn qowmiyadeed." Warbixinta oo ka kooban 154 bog, ciwaan...
Doorashooyinkii Isasaarka ahaa ee madaxtooyada iyo axsaabta Somaliland ayaa xalay fiidkii kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaana la sugaya natiijada rasmiga ah. Codaynta doorashada oo si rasmi ah u balaabantahay 7:00 subaxnimo ee Arbacadii 13 November, ayaa xalay 6:00 fiidnimo soo xidhantahay, iyada oo tirinta codadkana la bilaabay 7:00 fiidnimo. Hadaba, tirinta...
Turkiga iyo Masar ayaa yeeshay laba wareeg oo wada-hadallo ah oo ku saabsan Afrika iyo Liibiya. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in wada-hadalladaas diiradda lagu saaray arrimaha Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Wadahadalladan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Ihab Cawad...
Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo ku eedeysan iney gudaha magaalada Muqdisho ku dileen sadax ruux oo ganacsato ahaa. NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in labadaan nin ay ku eedeysan yihiin dilal dhawaan loogu geystay sadax nin...
Musharixiinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in ay nabad ku codeeyaan, isla markaana la aqbalo natiida doorashada. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo codkiisa ka dhiibtay Xarunta Hay'adda Shaqaalaha, ayaa ku baaqay in natiijada la aqbalo. "Anigu madaxweyne ahaan waxan leeyahay natiijada uu soo saaro koomiishanku hala aqbalo, dabadeed...
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhawaad 10,000 oo askari, iyadoo 3 meelood meel kaliya ay qayb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta ATMIS ee Midowga Afrika (AU). Ethiopia ayaa sidaas ku noqotay dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, marka la isku daro ciidamada uga...
Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in kaddib markii ay wadatashi ay la sameeyeen bulshada iyo Dawladda Puntland goloyaasheeda kal duwan, ay isla qaateen in Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu dhisay guddi aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxaana...
Qaar kamid ah mucaaradka Jubbaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland. Mucaaradka ayaa ku gacan seyray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Labadaan askari ayaa ku safraayay wadada xiririsa Wanlweyn iyo Afgooye, waxaana dilkooda fuliyay xubno ka tirsan kooxda...