Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxafadeed uu soo saaray si qota dheer uga hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ka socda gudaha dalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish inuusan kala laheyn muxaafidnimo iyo mucaaradnimo ee uu qof walba masuuliyad iyo waajib qaran ka saaran tahay.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo xal u helista khilaafka siyaasadeed ee sababtay in kooxaha argagaxisada ka faa’ideystaan.
Wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istagaan ciidamada dowladda iyo kuwa Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo daacish, islamarkaama laga fogaado marin habaabinta iyo beenta ay faafinayaan kooxaha.
“Waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda” ayuu yiri madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-
