Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo 25-kii bishaan dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Cabdullaahi...
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in natiijada ay guddida doorashooyinku kasoo saareen doorashadii madaxtooyada ee dhacday 13 November ay ansaxtahay.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxkamada isla markaana uu warbaahinta u akhriyay Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, waxay maxkamadu meelmarisay natiijadii doorashada madaxtooyada.
"Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu...
Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhi wadajir ah, kaasoo ay ku ansixiyeen xubnaha gGuddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Fadhiga maanta waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana kooram ahaan uu fadhigan ku furmay xildhibaano gaaraya 175 Mudane.
Ajendaha fadhiga...
Shirkadda Tamarta ee dawladda Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi) iyo Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta kaarboon-carbon ee si wadajir ah Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.
Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis heer sare...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii Doorashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka.
Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay...
Puntland ayaa bilowday guluf ciidan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee isku sii ballaarinaysa deegaanada buuraleyda gobolka Bari.
Ciidamo aad u badan oo wata gaadiid dagaal ayaa ka amba baxay magaalada Garowe, iyagoo gaaray magaalada Boosaaso, halkaas oo la filayo inay uga sii gudbaan dhinaca buuraleyda, si ay weerarro...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo Xalay kulan deg deg ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay heshiisyo dhowr ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya lasoo gashay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Kuuriyada Koonfureed.
Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Goluhu...
Taliyihii hore ee Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir, ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ugu dirtay magaalada Raas Kambooni ee Jubada Hoose kuwaasi oo la sheegay inay la wareegayaan xarumo ay baneenayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka...
Wasaaradda amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in muddooyinkii dambe ay ku mashquulsaneyd sidii loo burburin lahaa hanaanka federaaliga ee dalka, waxaana wasaaradda war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in maalmahan ay Dowladda Federaalka ka waday deegaanada Jubaland howlo lagu carqaladeynayo...
Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida garaka u tababaran ee Gorgor ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadaan ayaa diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay inuu qorshahoodu yahay iney amniga kala wareegaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaama...


















