Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Somaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha maanta lagu doortay magaalada Kismaayo Axmed Madoobe.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri "Waxaan hambalyeynayaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland...
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa markii sadaxaad ku guuleystay maanta inuu noqdo madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tartan doorasho la galay laba musharax oo kala ahaa Abuukar Cabdi Xasan iyo Feysal Maxamed Mataan, waxaana ka hor doorashada inta aysan bilaaban...
Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay iska hor imaadkii Shalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee uu ku dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka Booliiska.
Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in Taliska uu wado baaritano dheeraad ah oo la...
Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne.
Deegaanada kala Deefoow, Qooqane iyo Lafoole oo dhamaantood dhaca dhanka Waqooyi ee Baledweyne ayuu wabiga ka sameeyay fatahaad, waxaana halkaas isaga barakacay dadkii degana deegaanadaas.
Fatahaada wabiga ayaa sidoo kale la...
Puntland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo adeegyada shirkadda khamaarka ee 1xBet iyo isticmaalka kaararka gaarka ah (Private Numbers) ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in adeegyada shirkadda 1xBet ay kasoo horjeedaan hab-dhaqanka bulshada iyo shuruucda Puntland, sidaas darteedna si buuxda looga mamnuucay dhammaan...
Odoyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda, ee UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Warqadan ayaa lagu dhaleeceeyay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mr Michael Nithavrianakis, inuu...
Wax soo saarka Saliida ceyriinka Turkiga ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay abid taas oo ah 3.3 million oo fuusto ah halka wax soosaarka gaaska dabiiciga ee dalkaas gaaray 234.4 million kiyuubik mitir sida ay wasaarada Tamarta dalka Turkiga ay ku sheegtay war qoraal ah ay soo saartay.
Bishii October waxay...
Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu faragelin ku hayo madax-bannaanida deegaannadooda, taasoo ay sheegeen inay wiiqayso xiriirka labada dhinac.
Wasiirka Qorsheynta SSC-Khaatumo, Axmed Diiriye, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Wasiirka Qorsheynta Puntland, Daa’uud Bisinle, uu ka shaqeynayo iska hor imaad u dhexeeya labada...
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dowladda Japan kala wareegay qalab casri ah oo loogu tala galay ciidanka Booliska, gaar ahaan qeybta miino baarista.
Qalabkaan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista ka hortagga walxaha qarxa, waxaana madasha qalabkaan lagu...
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in 20ka degmo ee Gobolka Banaadir ay u diyaarsan yihiin in lagu qabto Doorasho Qof iyo Cod ah ayna horey usoo wadeen qorshaha nidaamka doorashadaan.
Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir mar waliba ay...


















