Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka dhawaajiyay qodobo uu ku duraayo Mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu Fahad Yaasiin shaaca ka qaaday in ay qurux badneyd in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragti ee aysan noqonin mucaradnimo soo taagan...
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha ee adeega duulimaadka bixiya ee haysta ogolaanshaha wasaaradda inay la shaqeeyaan Maareeyaasha garoomada diyaaradaha ee wasaraaddu magacowday ee degaanada Jubalanad.
Wasaaradda ayaa shirkadaha maxaliga ah ee ka howlgala Soomaliya u sheegtay inaan La ogolaan doonin cid...
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu amar kubixiyay in ciidamo dheeraad ah lageeyo Duleedka Magaalada Baydhabo si ay uga hortagaan weerarada Al-shabaab.
Saraakiisha Militeriga ee ciidamada Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan loo diyaariyay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo galinkii dambe ee Shalay ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Dagaalkaan u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo...
Hay'adda WFP ayaa shaaciyey in ay si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan hawlihii ay ka waday SSC-Khaatumo sababo la xiriira amniga iyo bililiqo lagu saameeyey qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee deegaankaas.
Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Daluum, ayaa lagu sheegay in barnaamijyada WFP ee...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Arusha uga qeyb galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dalalka ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
"Madaxweyne...
Dhiilo Colaadeed oo ka Ka Soo Cusboonaatay Xadka ay Wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Xiisada u dhaxeysa labadaan maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga taagan inta u dhaxeysa...
Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Talyaaniga waxa ay Dowladda Soomaaliya ku gudoonsiiyay keydad Shuruucdii ay Soomaaliya lahayd intii u dhaxeeysay 1950 ilaa 1990kii iyo daraasad ku saabsan horumarinta Afka Soomaaliga ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Cadaalada ee Soomaaliya.
Madashaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqadir...
Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Ilyaas Sheekh Cumar ayaa magaalada Qaahira uga qeyb galay shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda dalalka Carabta.
Shirkaan ayaa looga hadlay ajandayaal ay ka mid ahayeen Iskaashiga Cadaaladda iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, Argagaxisada, ka ganacsiga dadka iyo Burcadda Internet-ka.
Golaha ayaa kulankooda si...
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo 25-kii bishaan dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Cabdullaahi...


















