War saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo gaar ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe oo ah xarunta ugu weyn oo ay ku sugan yihiin hogaamiyaasha sar sare ee Kooxda Al-shabaab.
War saxafaadaeedka ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.