Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.
Madaxweyne Siisii ayaa rajo ka muujiyay in uu heshiiskaan ka qeyb qaadan doono xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war ka soo...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo is kaashanaya iney gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dhawaan Ceel baraf ku dilay askarta.
Guddoomiye Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu...
Kulan balaaran oo ay yeesheen Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Madaxda Ururada Siyaasadda ayaa waxaa Looga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Qodobo kale oo Muhiim ah waxaana ugu danbeyn laysku Afgartay Hirgelita Doorasho Qof iyo Cod ah in Dalka Loo jiheeyo.
Iyadoo loo Balamey kulamo kale Horaanta Sanadka...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa kulanka ay yeelan doonaan inay xooga ku saari doonaan xoojibta xiriirka labada iyo iskaashiga...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil si aad ah looga argagaxay oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu si arxandaro ah u dilay Xaaskiisii.
Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa Xaaskiisa ku dilay Tooreey oo...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
15-ka xubnood ee golaha ayaa meel mariyay qaraarka qabyada ah oo UK ay hoggaamineyso, waxaana ogolaatay 14 cod, waxaana ka aamusay dowladda Mareykanka.
AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Caawa shir jaraa'id qabtay ayaa si adag uga hadlay askartii Shalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa balan qaaday in muddo 48 sacadood gudahood ah lagu soo qaban doono maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo dhanka kalena ka doodi doona Howlgalka Cusub AUSSOM kaasi oo dalka ka bilaaban doona sanadka Cusub 2025.
Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub iyo sida uu u ekaanayo maadaama...
Sarkaal Hore uga Tirsanaa Ciidamada Qaranka Xadgudub uu Geystana Dawladda Mareykanku Soo Tarxiishay.
Saraakiisha Hay’adda Socdaalka ee ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo masaafuriyay sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo ay sheegeen in uu geystay jirdil, argagixin iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Sarkaalkan oo 71-jir ah oo lagu magacaabo Yuusuf...
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.
Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen...


















