Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 24-saac kaddib ka hadlay dilkii magaalada Laascaanood loogu geystay Faarax Jaamac Caydiid, oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.
Taliyaha Ciidanka Booliiska SSC-Khaatumo, S/Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in ay baaritaanno socdaan si loo ogaado cidda ka dambeysa dilka sarkaalka.
Taliyuhu ma uusan xaqiijin in cid loo soo qabtay dilka, balse wuxuu sheegay in hay’adaha amniga ay shacabka si degdeg ah ugu soo gudbin doonaan xogta rasmiga ah ee la xiriirta dhacdadan.
Maanta ayay ahayd markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere, uu daboolka ka qaaday xog ku saabsan dilka sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Garowe. Xeer ilaaliyuhu wuxuu dilkiisa ku eedeeyay Al-Shabaab.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu intaa ku daray in Faarax uu horey uga badbaaday weerar kooxda Al-Shabaab ku qaadday, kaasoo uu dhaawac kasoo gaaray. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Faarax uu mar ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab balse uu kasoo goostay.