Maxamuud Macalim ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga (Gu’) oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof.
Shirkaan waxaa ka qeybgalayo Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada, Safiiro iyo marti sharaf kale duwan.
Muddada uu socdo ayay madaxdaan ku lafa guri doonaan xal u helida arrimaha la xiriira isbadelada cimilada iyo xoojinta hanaanka gurmadka Deg Dega, waxaana sanadkiiba la qabtaa sedex jeer waxaana sanadkaan hal kudhig u ah xoojinta iyo u adkeeysiga arrimaha bini’adamnimada Soomaaliya.