Friday, June 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku...
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Xamaas iyo Israa'iil ay is dhaafsadaan qeybtii labaad ee maxaabiista ay kala haysteen labada dhinac. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Xamaas ay sii deysay sadax haween ah oo u dhashay Israa'iil, iyadoo Israa'iil ay dhankeeda sii deysay 90 maxbuus oo Falastiiniyiin...
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa ku dhawaaqay in Masar ay mar kale xaqiijisay go'aankeeda ku aaddan taageeridda ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Madaxweyne Siisii ayaa sheegay in Masar ay si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Hadalkan ayuu madaxweynaha Masar jeediyay intii uu socday wada-hadallo diiradda...
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa si kulul u dhaleeceysay siyaasadaha Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, oo dhowaan xafiiska la wareegay. Ilhaan Cumar ayaa ku tilmaantay tallaabooyinka uu Trump qaaday 48-kii saac ee ugu horreeyay kuwo ka tarjumaya aragti naceyb iyo dib u dhac horumarineed. War-saxaafadeed ay...
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa darajada Laba Xidigle u dalacsiiyay askarigii lagu dhex jirdilay bishii Novembar ee sanadkii lasoo dhaafay gudaha xarunta Golaha Shacabka. Askarigaan la dalacsiiyay oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2024 ayaa waxaa...
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ka wado kulamo lagu dardar galinayo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka Al-shabaab. Taliye Sanbaloolshe oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaas ayaa qaar ka mid ah waxgaradka degmada Buula...
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Ilyaas Dheere), ayaa ku ammaanay culimada Puntland inay door wanaagsan ka cayaarayaan dagaalka uu maamulku kula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa culimada ka raali galiyay sida uu sheegay, in dad aan xog ogaal ahayn oo ka tirsan maamulkooda ay...
Puntland ayaa si adag u eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caqabad ku tahay dadaallada lagu daryeelayo dhaawacyada ciidamada Puntland ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoo, oo ka hadlayay arrintaas ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan wax taageero ah siinin Puntland, isla markaana...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Abdel Fattah El-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona dardargelinta dadaallada wadajirka...
Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay diyaarad helicopter ah oo loogu talagalay daabulidda askarta ku dhaawacanta howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka Bari. Diyaaraddan ayaa sidoo kale loo adeegsan doonaa keenista saadka, gaar ahaan daawooyinka ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka. Puntland ayaa sheegtay in goobaha...