Ugu dambeyn waxa uu Shariif sheegay inuu uga digayo guddiga doorashooyinka inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Shalay ayay ahayd markii qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Kaxda ay sheegeen in lagu wargeliyay inay hoos tagaan Degmo kale si ay halkaasi uga qaataan Kaarka Codbixinta, waxaana ay sheegeen in Degmada la geeyay Barakacayaal oo foomka laga buuxiyay sida dadka loo tuso in Degmada Kaxda ay ka socoto qaadashada Kaarka Cod bixinta, illaa iyo hadda Guddiga Doorashada ayaan si rasmi ah uga hadal walaaca iyo eedaha kasoo yeeray qaar kamid ah odayaasha Degmada ee ku saabsan in Degmada Kaxda shacabkeedi laga diiwaangelinayo degmada Dharkeenlay.












