Iyadoo boqortooyada Saudi Arabia ay Axaddii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xiriirkii siyaasadeed u jartay dalka Iiraan, ayaa waxaa si kulul uga hadlay arrintan xukuumadda Tehran.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa xilli dambe ee shalay shaaciyay go’aanka dalkiisu uu xiriirka ugu jaray Iiraan, isagoo xusay in...
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu maalintii shalay ahayd uu geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaa is-daba-joog u soo gaarayay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Wufuud kala gadisan kuwaasoo ka qayb-qaadanaya tacsida iyo qaban-qaabada aaska Ugaaska.
Maanta waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ee Ugaas Khaliif kasoo dagay...
Gellinkii dambe ee maanta ayaa Waxaa gaaray Xaunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne wafdi uu hogaaminayo wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed. Wafdigan ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ahaa; Wasiirka Tarmarta iyo Shidaalka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cali...
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan wuxuu sanadkii 1957-kii ku dhashay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Waxbarashadiisii Asaasiga ahayd wuxuu ku qaatay isla degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan Sannadka 1973-kii. isagoo Sannandkii 1977-kii ka baxay Dugsigii Shabelle oo ku yaallay Degmada Jowhar...
Tobaneeyo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Jimihii shalay ahaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo qiimeyn ku sameyn doona sida la sheegay halka ay dagayaan ciidammo Itoobiyaan ah oo la qorsheynayo in Kismaayo la geeyo.
Wararka ka...
WARBIXIN kasoo baxday dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ASKARIGA SOOMAALIYEED u aqoonsatay shaqsiga sannadkii 2015-ka ee Soomaaliya, waxaana warbixintu ay u qornayd sidan:
Bulshada caalamka ku nool waxay sanad walba marka uu dhamaado soo bandhigaan qofka ugu caansanaa sannadkaa dhamaaday; kaasoo inta badan lagu tix-geliyo waxqabadkiisa iyo kartidiisa, adeegga uu...
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kaddib safarro shaqo oo ku aaday qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ka warbixiyay waxyaalihii usoo qabsoomay mudadii uu ku maqnaa dalka dibadiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu uga soo qeybgalay...
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xafiiska ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu, Waxaana kulanka ku weheliyey Taliyaha ciidamada xoogga, Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo saraakiil AMISOM ka tirsan. Iyadoo ay ka wadahadleen amniga guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar-gelin lahaa sannadka...
Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Village oo ku taalla guriga hooyooyinka oo kasoo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.
Qaraxan ayaan...
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkiisa, kaddib isbedel lagu sameeyay dastuurka Rwanda.
Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu u ogolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo madaxweyne Kagame, iyadoo shacabka dalkaas ay bishii lasoo dhaafay afti...

















