Sunday, June 28, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta casar-gaabkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ,waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku yimaado Bosaaso tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa...
Qashin fara badan oo dhawaanahaan yaallay Gudaha Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi iyo xirnaanshaha waddooyinka dhex-mara xaafadaas qaarkood ayaa sababay in maanta loo qaybiyo xarumaha ganacsiga Islii qaar ka mid ah waraaqo wargalin ah oo ku saabsan inaysan bixin lacagta canshuuraha ah ee la siiyo Dowladda Hoose ee...
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Guuleed ayaa safarka Maxamed Sh. Cusmaan ku Tilmaamay mid aan u adeegeyn Nabadeynta iyo Wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca.   Wareysiga uu C/kariin Guuleed siiyay...
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho lagu go’aamiyay in xiriirka siyaasadeed loo jaro dalka Iiraan, waxaana war-saxaafadeed ay maanta soo saaray wasaarada arrimaha dibadda Somalia lagu sheegay in xiriirkii siyaasadeed loo jaray Iiraan. Kulankan ayaa warbixinno looga dhegeystay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda...
Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad maanta xaafadda Zone K ee degmada Hodan ku dhexmaray ciidammo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Iska-horimaadkan oo socday muddo laba saacadood ah, kaasoo ka billowday dhul la isku-haysto oo ay ciidamada booliiska Somalia...
Iyadoo 03-dii bishan Janaayo 2016-ka uu magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ku geeriyooday ALLAHA u Naraxrsitee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isla markaana shalay lagu Aasay Daaro-ugaas ee dulleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika qabteen kulan...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Ax'ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana garoonka uga hortagay xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed. Booqashada Axmed Madoobe uu maanta ku tagay Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii...
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sucuuudigu ee Tehran. C/salaan Hadliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhawro Axdigii Vienna, isagoo intaas raaciyay inay ka xun...
Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qabsaday maanta tuulada War-maxan ee gobolka Shabeellada Hoose oo 60-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare nafeed. Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore weerareen saldhig ay ciidamada dowladda FS ku leeyihiin tuuladaas, iyagoo dagaal culus oo dhacay kaddib ay...
Maxkamadaha gobollada Awdal iyo Selel ayaa min 15-sano oo xabsi ah ku xukumay 10-qof oo lagu eedeeyay inay geysteen kufsi dhawaantan ka dhacay magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Jabuuti. Maxkamadda ayaa sheegay in dambiga lagu helay toban qof, halka laba qof oo kalena lagu waayay...