Dalalka Hindiya iyo Soomaaliya oo Muqdisho Kaga Wada Hadlay Amniga Badda iyo La Dagaalanka Argagixisada.

0
3

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga badda iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen fursadaha lagu ballaarin karo xiriirka amni iyo midka milatari.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Hindiya, kaas oo ay hoggaaminaysay Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada, Fiisaha iyo Muwaadiniinta Hindiya ee ku nool dibadda.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta X ku sheegay in kulanka uu qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Wafdiga Hindiya waxaa sidoo kale kulanka ku weheliyey safiirka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood, oo uu ku jiro Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Yuusuf Cali Maxamed.

Booqashada Sripriya Ranganathan ee Muqdisho ayaa lagu tilmaamay booqashadii ugu horreysay ee heer sare ah oo mas’uul Hindi ah uu Soomaaliya ku yimaado muddo dhowr sano ah. Inta ay ku sugan tahay caasimadda, waxaa la filayaa inay kulammo la yeelato mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga diblomaasiyadeed, adeegyada qunsuliyadaha, horumarinta iyo fursadaha cusub ee xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Hindiya ayaa xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah sameystay sannadkii 1960-kii, kaddib markii Soomaaliya ay xornimada qaadatay. Hindiya ayaa safaaraddeedii Muqdisho xirtay sannadkii 1991-kii, kaddib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye, hase yeeshee labada dal waxay sii wadeen xiriirkooda, gaar ahaan dhinacyada gargaarka horumarineed, tababarrada iyo iskaashiga amniga badda.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo difaaca, gaar ahaan ilaalinta xeebaha dheer ee dalka iyo la tacaalidda khataraha amni ee ka jira gobolka.