Sunday, June 28, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia ayaa sheegtay inay xalay fashilisay weerar ay xoogag ka tirsan Al-shabaab doonayeen inay ku qaadaan Xeralada Xalane oo ay deggen yihiin Ciidamada AMISOM iyo qaar ka mid ah dublamaasiyiinta shisheeyaha ee Muqdisho ku sugan. Nabadsugidda Somalia ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo ka war-heley...
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Somaliland oo dhan ka dhacay ayaa warbixin idin kaga diyaarinay, waxaana kusoo qaadanaynaa 12-kii bilood ee Sannadkii dhamaaday arrimihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuusan doonnno. Inta badan dhacdooyinkii ugu Waa-weynaa waxa ka mid ahaa khilaafyaddii Siyaasadda ee ka dhacay oo ay ugu weynayd dhacdadii gudoomiyaha golaha...
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo RW Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.   Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamanka, xildhibaan...
Al-shabaab ayaa maanta shan ruux oo ay sheegtay inay jawaasiis ahaayeen ku dishay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Afar ka mid ah eedeysanayaashan ayaa lagu toogtay fagaaraha oo ay boqolaal qof joogeen halka midkii shanaadka la gowracay. Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab ayaa xukunka ku riday dadka la dilay...
Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in lagu afduubay kalkaaliye caafimaad iyo darawal, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg-degga ah oo marayay dulleedka Bari ee Dhuusa-mareeb. Shaqaalahan la faduubay ayaa kala ah; Cabdi-kaafi Jabaan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka isbitaalka Dhuusa-mareeb iyo Yaxye Muxiyadiin oo...
Kulan ay maanta yeesheen xubnaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd in looga doodo codsiga Madaxweeynaha Jubbaland ka yimid oo ahaa in mar sedexaad ay mudaneyaasha waqti kordhin u sameeyaan iyo weliba sharciga ah in qofka ka tirsan Baarlamanka Jubaland uu noqon karo Wasiir. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland...
Doorashooyinka madaxnimo iyo tan baarlamaanka ayaa maanta ka billowday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo ay sannado ka jireen colaado u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool. Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u tartamaya 30-murashax, kuwaasoo mid uu dadaal ugu jiro sidii uu u bedeli lahaa madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas, Catherine...
Maamulka degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay hawlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ka sameeyeen deegaanno hoos-taga degmada Buula-burte kula wareegeen fariisimo ay saldhigyo ay deganaayeen Al-shabaab. Guddoomiyaha Buula-burte,C/casiis Duuroow ayaa sheegay in hawl-gal ay ka sameeyeen galbeedka degmada, ayna kula wareegeen dhowr deegaan. “Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaa ciidanka...
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay Ansixinta sharciga saxaafada Somalia, isagoo xusay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan. Maareeye ayaa xusay in xeerkan uu yahay kan ugu fiican adduunka oo dhan, isla markaana la filayo inuu noqdo...
Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, iyadoo xilliga shaqadiisu ay ku eg-tahay Khamiista berri ah, isagoo sheegay in guulo lagu tallaabsaday intuu ka howlgayay Somalia. Danjire Kay oo maanta u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Nairobi ayaa u sheegay in guulaha la gaaray...