Waxaa maalintii labaad ka soconaya xaafadda Howl-wadag ee degmada Beledweyne dagaal u dhaxeeya maleashiyaad kasoo kala jeeda beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo marar badan oo hore ku dagaallamay deeganno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan.
Inkastoo dagaalka maanta uusan aheyn mid culus marka loo eego kii shalay, haddana mar marka qaar...
Mas’uuliyiiinta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka, xilli si weyn loogu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee Somalia ka dhici doonta.
Kulankan ayaa ka barbar-dhici doona wareegga labaad ee shirka madasha wada-tashiga Qaran ee...
Kulan weyn oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka qaar kamid ah ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho kaas oo ay kasoo qeyb galeen Wasiiro Xildhibaano,Odey dhaqameedyo,Culimada diinta,Madaxda xisbiyo siyaasadeed oo ka badan 25 xisbi,Xubnaha xisbiyada qaarkood,Haween,DHalinyaro iyo marti sharaf kale.
Xisbiyada ayaa waxey kulanka kusoo ban dhigeen barnaamij...
Ugu yaraan 24-ruux ayaa ku dhaawacmay Qarax bam oo lagu weeraray masjid ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, maq-ribnimadii shalay oo Jimco ahayd, afar ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay inay yihiin kuwo culus, sida ay sheegtay xukuumadda Itoobiya.
Wasiirka warfaafinta xukumadda Itoobiya, Getachew Reda oo...
Guud ahaan dalka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa xuska 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Kenya ay xornimadeeddii ka qaadatay wadanka Britain oo ku beegneyd 12-kii bishii December, 1963-dii.
Xuska maalinta xorniyadda Kenya ee loo yaqaano (Jamhuri Day), ayaa siyaabo kala duwan waxey oga dhacday maanta Kenya oo...
Ugu yaraan Toddoba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar saakay aroortii lagu qaaday saldhgiyo millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi.
Saaka aroortii hore ayaa waxaa is-rasaaseyn culus laga maqlayay bannaanka Bujumbura, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen laba saldhig oo ciidamada millateriga dalkaas...
Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ee Dalka Mareykanka ayaa todobaadkan siyaabo kala duwan loogu dilay laba Wiil oo Soomaali ah, iyadoo dilalkan ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas.
Mid ka mid ah labada wiil ee Somalida ah ayaa lagu magacaabaa; Xamza Xasan Warsame oo 16-jir ahaa,...
Ciidamada Booliiska Kenya ayaa gellinkii dambe ee maanta Xabsiga kasii daayay Xildhibaan Billow Kerrow oo laga soo doorto magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari waddanka Kenya, ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.
Xildhibaan Kerrow oo warbaahinta la hadlay markii lasii daayay ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno kale oo...
Mucaaradka kasoo horjeeda xukuuumadda Suuriya ayaa shir ay ku yeesheen Saudi Arabia waxay kasoo saareen qodobo ay sheegeen in la fuliyo ka hor inta aanay wadahadallo la furin xukuumadda uu hoggaaminayo Bashar Al-Assad.
Warbixin ay soo saareen mucaaradka ayay waxay ku baaqeen in waddanka laga sameeyo maamul cusub oo sal-ballaaran,...
Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay, 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Dadka ku dhintay dagaalkan iyo kuwa ay dhaawacyadu kasoo gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana dagaalkaan la sheegayaa inuu...