Ugu yaraan
12-qof ayaa ku Geeriyooday tiro intaas
ka badanna way ku dhaawacmeen,
Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo weerar
toos ah oo lagu qaaday gellinkii dambe
ee maanta Hoteelka Naasa Hamblood
One ee Magaalada Muqdisho.
Col. Cali Xasan oo ka tirsan saraakiisha
booliiska Somalia ayaa Warbaahinta u
sheegay in Weerarkan uu ahaa mid
khasaare dhaliyay, isla markaana weli
ay xoogagga Al-shabaab...
Madaxweeynaha Jubaland oo maanta
dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo
ayaa hambalyo ku aadan 26-ka Juun oo
ku beegan maalinta berito ah u diray
guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar
ahaan dadka degan gobollada waqooyi
ee Soomaaliya.
Axmed Max'ed Islaam ayaa sheegay in
26-ka Juun ay ahayd maalintii calan
Soomaaliyeed laga taagay
Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna
ugu baaqay shacabka reer Soomaaliland
in ay...
Waxaa la
qiyaasay inay celinta qaxootiga
Soomaalida ah ee kunool xeryaha
Dhadhaab ee Kenya ay ku bixi doonto
lacag dhan Ksh20 bilyan.
Waxaa sidaa lagu sheegay warbixin uu
soo saaray guddi farsamo oo arinkaa ku
saabsan celinta qaxootigaa loo xil
saaray.
Qarashkaas waxaa kujira raritaanka
qaxootiga ama celinta iyo deeqo
lacageed oo qaxootiga lasiinayo taasoo
gacan qabsi ah iyo weliba u...
Xaruntii
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay
ku lahad Muqdisho, gaar ahaan
Degmada Shingaani ayaa lagu billaabay
in lagu sameeyo Dayac-tir, si ay
Wasaaraddu ugu hawl-gasho muddo 25-
sano kaddib ah.
Dhismaha Xarunta Wasaaradda, ayaa
maraya meel Gaba-gabo ah, iyadoo la
filayo in xarigga laga jaro bisha July ee
soo socota. waxaana dhismahaan uu ka
kooban yahay 72-qol iyo dhawr hool
loogu talo-galay...
Xukuumadda Uganda oo ah tan
ciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl-
galka Midowga Afrika ee AMISOM ay
kaga sugan yihiin Somalia, ayaa
shaacisay maanta inay ciidamadeeda la
baxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka.
Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu
horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah
u soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii,
iyadoo sanado kaddib ay kusoo biireen
Ciidammo kale...
Tan iyo
darraad waxaa socday boob lagu hayo
hantida ajaaniibta ayna u dheer tahay in
naftooda dadkaa loo weeraraayo dalka
Koofur Afrika.
Soomaali ayaa qeyb ka ah dadka la
dhacaayo oo weeraraduna ay kusocdaan.
Arintaa ayaa kasoo cusboonaatay
Pretoria oo ah magaalo madaxda
dalkaasi Koofur Afrika gaar ahaan
markii darfo kawada tirsan xisbul
xaakimka Koofur Afrika ee ANC ay isku
mari...
Shalay
galinkii dambe ayaa diyaarado waxaa ay
duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Ilaale
oo kutaal gobolka Gedo gaar ahaan meel
u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya
kala qeybiya.
Tuulaadaa ayaa wararku waxay
sheegayaan inay u jirto xadka 15km
waxayna hoos timaadaa Ceel-waaq
Soomaaliya.
Afar carruur ah-3 wiil iyo gabar ayaa
lagu soo waramay inay halkaa ku
dhinteen kadib markii diyaaradahaasi la
heleen hubkii...
Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo safiirada dowladdaha Turkiga, Qadar, Jabuuti, iyo Yaman, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xubnaha gollaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka ammniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max'ed, Wasiirka arrimaha dibada C/salaan Hadliye, wasiiru-dowlaha wasaarada arrimaha gudaha C/rashiid Max'ed Xidig...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Baydhabo oo lagu wado inuu maanta ka furmo Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2016-ka.
Waxaa kaloo maanta Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ; waxaana lagu wadaa...
Xaalado Cabsiyeed, ayaa Xilligaan waxay ka taagan tahay Degmada Afmadow iyo Dhoobley oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose , kaddib markii Boqollaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab oo aad u hubeysani ay deegaannadaas ku dhawaadeen.
Idaacadda VOA-da ayaa baahisay in ku suggan Afmadow iyo Dhoobley ay u xaqiijiyeeen in ciidanka AMISOM...
















