Dadka reer kenya oo u dabaal degey maalinta xoriyada konton iyo labo guuradii kasoo wareegtey.

0
719

Guud ahaan dalka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa xuska 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Kenya ay xornimadeeddii ka qaadatay wadanka Britain oo ku beegneyd 12-kii bishii December, 1963-dii.

Xuska maalinta xorniyadda Kenya ee loo yaqaano (Jamhuri Day), ayaa siyaabo kala duwan waxey oga dhacday maanta Kenya oo dhan.

Garoonka Kubadda Cagta Nyayo National Stadium ee ku yaallo magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagu Qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo khudbad dheer u jeediyay shacabka dalka Kenya.

Wuxuuna madaxweynaha Kenya khudbadiisa uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin: amniga, musuq-maasuqa iyo horumarka Kenya, wuxuuna u gudbiyay shacabka fariin ku aadan sida ay dowladdiisa oga go’an tahay la dagaalanka Musuqa iyo xag-jirnimada.

Sidoo kale, madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf oo booqasho ku joogto wadanka Kenya, ayaa magaalada Nairobi uga qayb-gashay xafladda maalinta xornimada Kenya.

Dhanka kale, guud ahaan waddanka Kenya oo maanta uu ka jiro fasax guud oo ku saabsan maalinta Jamhuuriyadda ama Xornimada dalka Kenya, waxaa aad loo adkeyay ammaanka, iyadoo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo ay ka mid yihiin; kuwa addeega dhallinyarada Qaranka Kenya ee (NYS) ay ka qayb-qaadanayaan sugida ammaanka.

Ugu dambeyn, dalka Kenya ayaa xornimadiisa ka qaadatay Britain 12-kii, December 1963. Balse sannad kaddib 12, December, 1964, ayey dadka Kenyanka ah ay si buuxdo u heleen xornimadooda ayna la wareegeen maamulka dalkooda, waxaana loo aqoonsaday wixii ka dambeeyay maalintaas inay tahay maalinta madax-bannaanida Kenya ee “Jamhuri Day”.