Bandhiga hanaanka loo dhanyahey oo in ka badan 25 xisbi siyaasadeed ay soo hor dhigeen 500 qof magaalada Muqdisho.

0
585

Kulan weyn oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka qaar kamid ah ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho kaas oo ay kasoo qeyb galeen Wasiiro Xildhibaano,Odey dhaqameedyo,Culimada diinta,Madaxda xisbiyo siyaasadeed oo ka badan 25 xisbi,Xubnaha xisbiyada qaarkood,Haween,DHalinyaro iyo marti sharaf kale.

 

Xisbiyada ayaa waxey kulanka kusoo ban dhigeen barnaamij ay ugu magacdareen HANAANKA LOO DHANYAHEY EE DOORASHOOYINKA 2016 iyadoo kasoo qeyb galayaasha mid kasta la siiyey nuqul ka mid ah barnaamijka ay xisbiyadan ku bahoobey Golaha xisbiyada soomaaliyeed.

 

Barnaamijka ayaa dhamaan kasoo qeyb galayaashu si weyn usoo dhaweeyeen iyagoo tilmaamey in hannaankani yahey midka ugu macquulsan ee la qaadan karo higsiga 2016kana uu yahey mid loogu gudbi karo,maadaama uu hannaankani mideeyey afartii qodob ee shacabka soomaaliyeed loo soo bandhigey,kuwaas oo kala ahaa 4.5,maamul goboleedyo,degmooyin iyo xisbiyo siyaasadeed,afartan qodob ayaa dad badani waxey u arkeen in ay soomaalida sii kala fogeynayaan.

 

Ugu dan bayntii ayaa waxaa baaq ku aadan barnaamijkan loo direy hugaanka dalka waqtigan,xukuumada hada jirta,barlamaanka waqtigan,beesha caalamka iyo dawladaha daneeya soomaaliya shacbiga soomaaliya in la qaato  habkan sida sahlan loogu gudbi karo wax ka bedelan waxa hada jira dadka soomaaliyeedna gacmaha is qabsadaan inta khilaafyada meel iska dhigaan.