Ugu yaraan Toddoba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar saakay aroortii lagu qaaday saldhgiyo millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi.
Saaka aroortii hore ayaa waxaa is-rasaaseyn culus laga maqlayay bannaanka Bujumbura, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen laba saldhig oo ciidamada millateriga dalkaas ay leeyihiin.
Willy Nyamitwe oo ah la-taliyaha dhinaca warbaahinta ee madaxweynaha Burundi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay maanta in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay maxaabiis kala baxaan saldhigyadaas, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan.
Mid ka mid ah saldhigyadan saaka la weeraray ayaa la sheegay inuu ku yaallo waqooyiga Ngagara oo ka mid ah xaafadaha magaalada Bujumbura, inkastoo aanay caddeyn sida ay wax uga dhaceen.
Sidoo kale, wakaaladda wararka Mareykanka AP ayaa baahisay in gaadiidka gaashaaman oo ay leeyihiin booliiska iyo milatariga dalkaas ay ilaalo xooggan ka hayaan waddooyinka ku yaalla magaalada xarunta ah ee Bujumbura, ayadoo la dhigay jidgooyooyin lagu dadka iyo gaadiidka lagu xannibayo.
Dalka Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan 2015-ka, waxaa ka dhacayay rabshado ka dhashay markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunzia uu ku dhawaaqay inuu markii saddexaad u tartami doono hoggaanka waddankiisa.
Kooxaa kasoo horjeeda Nkurunziza ayaa ku eedeeyay inuu dastuurka dalkaas u yaalla ku xad-gudbay, iyagoo ssheegay in laba jeer uu dastuurku u ogol yahay inuu madaxweynuhu xilka isku soo taago, laakiinse go’aankaan dambe uu yahay mid carqalad ku ah dastuurka Burundi.
Dhanka kale, war-murtiyeed uu hoggaantii toddobaadkan soo saaray afhayeenka golaha amniga Qaranka dalka Mareykanka, Ned Price ayuu dhinacyada isku haya Burundi ugu baaqay inay joojiyaan rabshadaha ayna ka qayb-qaataan qorshaha lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo, si loo rabshadaha taagan loo xalliyo.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay cunno-qabteyn kusoo rogi doonto, cid walba oo kasoo horjeesatay dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in colaadaha Burundi ka taagan lagu xalliyo.
Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in rabshadihii Burundi ka dhacayay tan bishii Abriil ee sannadkan lagu jiro lagu dilay 240-qof, ayna 200,000 oo reer Burundi ah ay ka barakaceen dalkooda.