Ciidamada Danab ee dowladda Somaliya ayaa howlgallo Qorshaysan ka fuliyay demgada Sunguuni ee gobolka Jubbada dhexe ,iyaga oo bur-buriyay Saldhig ay halkasi ku lahayd kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia.
Waxaa hawl-galkan sidoo kale lagu bur-buriyay goob- isbaaro ahayd oo ay kooxda Al-shabaab u adeegsan jirtay in ay dadka...
Wariye Cali Daahir Xerow oo xabsiga B/weyne laga siidaayey iyadoo aaney jirin Maxkamad la horgeeyey.
Cali Daahir Xeroow oo muddo ku siman Afar cisho u xirnaa maamulka gobolka Hiiraan, ayaa dib u hellay Xorriyadiisii, kaddib Dadaal dheeraad ah oo sii deyntiisa u gallaan odayaal, waxgarad iyo suxufiyiinta ka howlgala magaalada Beledweyne.Illaa iyo hadda maamulka si rasmi ah uma uusan shaacin sababaha loo xiray...
Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilay imaamka iyo kaaliyihiisa labo maalmood kahor.
Saacado kadib markii 1000 qof oo baroor diiqayay ay ka qeyb galeen aaska labadaa nin ee madaxa laga toogtay ayagoon waxba galabsan ayaa boolisku sheegay in Isniintii shalay habeynkii ay soo...
Qaar ka tirsanaa maxaabiista xabsiga Gontanamo Bay ayaa waxaa loo wareejiyay dalka Imaaraadka Carabta.
Waxaa iminka kusoo haray tiro dhan dhowr iyo lixdan maxbuus oo qura Gontanamo. Arintan haatan la sameeyay ee ah u wareejinta maxaabiistaa dalka Imaaraadka ayaa qeyb ka ah dadaal dawlada Mareykanku kudooneyso inay maxaabiista halkaa kujira...
-Dawlada Puntland ayaa qabqabatay dad gaaraya boqolaal kuwaasoo damcsanaa inay u tahriibaan Yemen.
Dadkaa lasoo qabtay ayaa doomo usii saarnaa Yemen marka lasoo qabqabtay ayagoo markaa bilaabayay safarkooda.
Dawlada Puntland ayaa sheegtay in dadkaa ay soo qabqabatay kadib markii sirdoonka Puntland aysoo sheegeen xogta kusaabsan safarkooda.
249 qof oo Itoobiyaan u badan...
Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Amniga Puntland ee PSF, ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay gaari u lahaa Nuur Deeq oo ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsana dilalka magaalada Gaalkacyo ka dhaca.
Gaarigan oo ah nooca Soomaalidu u taqaanno Land Cruiser, ayaa lahaa labo taargo oo Somalia iyo...
Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal oo shaqaalaha samafalka weeraro loogu geystay sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2015.
Sidaa waxaa sheegtay heyada Humanitarian Outcomes ee caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Humanitarian outcomes waxay sheegtay in Afghanistan uu yahay dalkii weerarada ugu badan loogu geystay shaqaalaha samafalka sanadkii...
Ciidammo ka tirsan Komaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidammo Mareykan ah ayaa labo Hawl-gal ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya dhawrkii casho ee lasoo dhaafay.
Hawl galkan ayaa la sheegay in lagu dilay 30 xoogag Al-shabaab ka tirsanaa, inkastoo aan wali la hayn warar xaqiijin kara tirada dhimashada Weerarradan ay fuliyeen...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada, badhasaabyadda qaarkood iyo masuuliyiin kale.
Isku shaandheyntan oo illaa xalay la hadal hayey, ayaa wakhti la kala seexday la soo saaray, waxaana masuuliyiinta cusub iyo kuwii xilalkii ay hayeen laga qaaday kala yihiin:
1. In...
Kadib dilkii maalin ka hor loo geystay nin imaam ka ahaa masaajid iyo ku xigeenkiisa ayaa Muslimiinta Mareykanku eedeyn dusha uga tuureen murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayagoo ku eedeeyay inuu nacayb ka dhan ah Muslimiinta abuuro.
Imaam masaajid iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu toogtay oo lagu dilay Mareykanka gaar ahaan...


















