Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda doorashada Somalia ee sanadkan 2016-ka, waxayna sidoo kale walaac ka muujieen qaar ka mid ah go'aannadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee Dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.
Haddaba, Akhriso War-saxaafadeedka Xisbiyada Siyaasadeed Dalka;
warsom2011@gmail.com
Iyadoon la gaarin soo xulista barlamaanka 2016ka oo dawlada soomaaliya lagu amaaney doorka Haweenka.
Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul-Insaanka Somaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa soo dhaweysay kaalinta haweenka Soomaaliyeed laga siiyay arimaha siyaasadda dalka ,waxaana lagu wadaa in doorashada sanadkan la qabanayo ay ka helaan saami dhan 30%.
Shir-weynihii Qaran ee looga hadlayay doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu saxiixay in qoondada haweenka ay ahaan doonto...
Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay faahfaahin ka bixisay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir madaxeedka...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in la geeyo dalka Koonfurta Sudaan Ciidammo dheeraad ah oo nabad-ilaalineed, kuwaasoo tiradoodu tahay 4000 oo askari, kana socda waddamada gobolka.
Caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba ayaa waxaa lagu Dagaallamay dhawr casho bilshii lasoo dhaafay, kaasoo dhaliyay dhimashada Boqollaal Ruux iyo weliba...
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday xeryaha qaxootiga ee Dahdhaab kulan ay lahayeen hoggaamiyeyaasha xeryaha Dhadhaab.
Waxaa hoggaamiyeyaashaasi la lahaayeen kulanka masuuliyiinta xafiisyada kala duwan ee dowlada KENYA. Shirkaas ayaa mar kale laga soo saaray baaq ku saabsan inaan qaxootiga dib Soomaaliya loogu celin si qasab ah.
Waxay ku celceliyeen hoggaamiyeyaashaasi...
Dumarka magaalada Boorama ee waqooyi galbeed Soomaaliya waxay ku soo badanayaan qabashada hawlo adag oo raggu aad u qabto oo ay ka mid tahay hawsha dhismaha guryaha.
Waxaa lagu qiyaasaa in 90 haween ah tiro ahaan oo badankoodu carruurtooda kaligood korsada ay haatan ka shaqeeyaan goobaha wax laga dhisayo ee...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la Qaatay Muqdisho Wafdi ka socda Dowladda Sudan oo Hoggaaminayay Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu-Garda, Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan Kamal Ismail iyo Mas'uuliyiin kale.
Mas'uuliyiinta Xukuumadda Federaalka iyo Wafdigaan, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Waddan, isagoo...
Shirkadda Diyaaradaha Air Djibouti ee dalka Jabuuti ayaa dib u billowday duulimaadyadii rakaabka ahaa kaddib 14-sano oo aysan shaqeyn diyaaraddan, kaddib markii ay kacday shirkaddii diyaaradaha Jabuuti 2002-dii.
Diyaaradda Air Djibouti oo loo yaqaan Diyaaradda Badda Cas ayaa Sannadkii 1963-kii oo dalkaas uu gumeysi ku jiray la aasaasay, waxayna ka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Jigjiga ee xazrunta dowlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee deegaanka.
Xasan Sheekh oo munaasabaddan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar,...
Xubno ka socda Ibaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud madaxda ugu sareysa ayaa maanta kula ku yeeshey dhismaha ay hay'adda garsoorku ku leedahey magaaladan Muqdisho iyadoo dood iyo falanqeyn kadib leysku afgartey Qodobada soo socda:-
1 in leyska kaashado dhaqan gelinta,iyo dhawrista shuruucda dalka u degsan.
2 in...


















