Madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo hadda ku shaqeeya Baydhabo.
Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaray xarunta madaxtooyada Koonfur-galbeed oo dhawaan laga dhisay degmada Baraawe....
Musharixii xisbiga jamhuuriga Askar oo tartanka uga harey musharaxadii xisbiga dimuquraadiga Ilhaan.
Murashaxii xisbiga Jamhuuriga ee aqalka degmada ee Minneapolis ayaa sheegay inuu soo afjaraayo ololihiisa si uu u qabto hawlo la xiriira qoyskiisa.
Cabdimaalik Askar iyo Ilhaan ayaa waxaa ay ku loolamayaan kursiga degmada 60B ee Minneapolis.
Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay tartankii ugu horeeyay ee loo galo xafiis dawladeed Mareykanka...
Safiirka Dowladda Somalia u jooga Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka mareykanka.
Socdaalka Safiirka iyo wafdigiisa waxa uu salka ku hayaa sidii uu ula kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Columbus ku soo dhaweeyay qaar ka...
Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay Sabtidii galinkii dambe.
Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Shima ayaa ku dhintay isla meeshaa. Askari booliis ahaa oo safarka ku weheliyay ayaa asagu ka badbaaday qaraxaa iyo rasaas ka dambeysay oo lasheegay in lagu...
Dadka Afrikaanka ah ayaa sida la ogsoon yahay waxay labaatankii sano ee lasoo dhaafay isku maqiiqayeen oo galayeen Talyaaniga kadib marka ay ka tallaabaan biyaha badda Miditaraneanka ee u dhexeeya Talyaaniga iyo waqooyiga qaaradaan Afrika.
Afrikaanka ayaa Yurub u raadsada nolol cusub. Arbacadii dhaweyd markii dhul gariirku ka dhacay Talyaaniga...
Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya.
Maalmahaan ayaa waxay kulammo is-daba-joog ah u socdeen Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Somalia, xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha...
Odayaasha beesha Garre ee Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya ayaa ka dalbay madaxda beesha qaarkood inaysan isu soo sharrixin jagooyinkii ay hayeen doorashada soo socota ee sanadka dambe.
Odayaasha Beesha Garre, Garre Council of Elders ayaa ka dalbay Senetarka Mandheera, Bilow Kerow iyo Gobernatooraha Mandheera Cali Roba inaysan xilalkaa isu...
Waxaa shir jaraa’id shalay Muqdisho ku qabtay guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD), kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan.
Guddomiyaha GFHDD, Avv. Cumar Maxamed C/lle , ayaa sheegay inay shirka jaraa’id ay u qabteen sidii...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kaga qeybgalayaan shir-madaxeedka 6-aad ee Dalalka Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).
Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii,...
Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ka hadlay maanta Weerarkii ay xalay Al-shabaab la beegsatay Baarka Banaadir Beach oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo ahaa mid isugu jira Qarax iyo weerar toos ah ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay ugu...


















