Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxa Hay’adda CRD, ahna Murashax ka mid ah murshaxiinta isku soo tagay xilka madaxnimo ee Somalia doorashada dhacaysa sannadkan, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia ka jirta xilligaan. Jabriil Cabdulle oo Wareysi siinayay Radio SBS ee Australia laatiisa Afka Soomaaliga ayaa xusay inay ahayd in afar...
-Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR iyo dawlad goboleedka Jubaland ayaa heshiis ku meel gaar ah ka gaaray soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xerayaha Dhadhaab. Heshiiskaa ayaa labada darafi ay ku kala saxiixdeen maagaalada Kismaayo ee Jubaland Soomaaliya shalay galinkii dambe. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay...
Kadib markii guddiga ganacsatada xaafada Islii ee Nairobi ay ku dhawaaqeen shaqo joojin muddo 3 maalmood ah ayaa maanta ay tahay maalintii 3aad ee dukaamadu xiran yihiin. Shabakada wararka ee Hiiraan Online oo arinkaa u kuur gashay lana xiriirtay masuuliyiin badan oo ka mid ah xoogsatada iyo muruqmaalka suuqa Islii...
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska xubnaha argagixisada ah ee sida gaarka ah loo beegsanayo ku dartay Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ku biiray kooxda Daacish, kana dagaallanta Soomaaliya. Saraakiil u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in uu dhigayo amar uu soo saaray Madaxweyne Obama in...
Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo. Madaxweynaha Dalka Tanzania iyo Danjiraha cusub ee Somalia ee dalkaas ayaa kulankooda...
Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta ka baahisay wareysi uu bixiyay ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee Hoteel SYL oo ku dhaw madaxtooyada lagu qaaday maalin ka hor, kaasoo sababay tiro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ah. Ruuxan fuyay weerarka ayaa lagu magacaabi jiray, Jaabir Cabdullaahi Diiriye, sidoo kalena waxaa...
Tababarkaan oo qabashadiisa ay iska kaashanayaan Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan iyo urur lagu magacaabo Sufis oo fadhigiisu yahay dalka Sweden, ayaa noqonaya mid sare loogu qaadayo aqoonta dhalinyarrada gobolka Hiiraan. Waxaa ka Qeyb-qaadanaya illaa 50 Dhallinyaro ah oo laga soo xulay degmooyinka gobolka HIiraan, kuwaa oo la filayo in marka...
Ku dhawaad 1200 oo qof oo kasoo laabtay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa ku xayiran deegaanka Dhoobleey, ayadoo dadkani ay yihiin kuwo intooda badan ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish ayaa dhawaan shaaciyay in ay joojiyeen qaabilaadda qaxootiga...
Dagaalo ayaa ka dhacay Gobolka Sanaag shalay ilaa xalay sida dad deegaan ah ay u sheegeen warbaahinta. Dad dagaan ah ayaa warbaahinta usheegay in dagaal u dhexeeyay labo beelood oo wada daga deegaan 60km u jira Ceel Afweyn ay ku dhinteen ilaa 3 qof. 10 qof oo kale ayaa xiisadahaa...
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa kulan gaar ah magaalada  Jabuuti  ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta  xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha...