Dawladda Mareykanka oo Mowqifkeeda Ku aadan Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dabcineysa.

0
5

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay inay dabcinayso mowqifkeedii hore ee ku aaddanaa qorshaha lagu soo afjarayo xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya, iyadoo soo jeedisay in muddo 12 bilood ah loo sameeyo kala-guurka ka hor inta aan la soo gebagebeyn howlaha xafiiska.

Sida lagu sheegay dukumiinti aan rasmi ahayn oo ka tarjumaya mowqifka Maraykanka ee wada-xaajoodka, qorshaha kala-guurka ayaa bilaaban kara kaddib marka uu 31-ka December 2026 dhammaado muddada hadda loo oggolaaday Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Soo jeedintan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya iyo qaabka loo sii wadi karo taageerada caalamiga ah ee howlgalka nabad-ilaalinta.

Dukumiintiga, oo ay heshay warbaahinta The EastAfrican ee dalka Kenya, ayaa tilmaamaya in Washington ay hadda taageerayso in la sameeyo muddo kala-guur ah oo 12 bilood ah, taas oo fursad siin karta in si tartiib ah loogu wareejiyo qaababka cusub ee taageerada.

Si kastaba, Maraykanku weli ma uusan bixin ballanqaad kama dambeys ah oo ku saabsan qorshahan, iyadoo wadahadallada ku saabsan mustaqbalka taageerada Qaramada Midoobay ay weli socdaan.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ayaa door muhiim ah ku leh taageerada howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada saadka iyo howlaha kale ee muhiimka u ah ciidamada ka howlgala Soomaaliya.

Haddii qorshaha kala-guurka la ansixiyo, muddada 12-ka bilood ah waxay siin kartaa Soomaaliya iyo Midowga Afrika waqti dheeraad ah oo ay ku diyaariyaan hannaan cusub oo lagu sii wado taageerada howlgalka kaddib dhammaadka muddada hadda jirta ee AUSSOM.