Dawlada Finland ayaa laanteeda socdaalka (Migri) ay bilowday inay diyaariso wareysiyo cusub oo loogu tala galay ama lala yeelanayo dad horay loo aqbalay in dalkaa sidii qaxooti ahaan ay ku joogaan.
Sidaa waxaa shalay galab sheegtay warbaahinta Finland. Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka soo galootiga ah wareysiyada lagu celinaayo si...
SHan iyo toban guuradii kasoo wareegtey markii la burburiyey daarihii Mareykanka oo maanta la joogo.
-Maanta ayaa waxaa la joogaa 15 sano guuradii kasoo wareegtay 9/11 markii la qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee New York ee Xaruntii Ganacsiga Caalamka ee World Trade Centre.
Maalintaa oo ahayd 11kii bishii Sitembar sida hada bisha aanu ku jirno sanadkii 2001 ayaa waxaa diyaarado lagu dhuftay lagu burburiyay daarihii...
Waxaa xiran waddooyin badan oo muhiim ah caasimada Soomaaliya ee Muqdishu. Wadooyinkaa ayaa muddo dhowr maalmood ah iminka xiran.
Waddooyinka ayaa waxaa dawladu sheegtay in loo xiray sababo la xiriira adkeynta ammaanka ayadoo caasimada loo diyaarinaayo in ay qabato ama marti galiso Shir Madaxeedka Igad maalinta Salaasada ah ee soo...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana u dul-qaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto shir madaxeedka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka IGAD.
Caasimadda Somalia ayaa waxaa inteeda badan la...
Markab Turkiga laga leeyahay oo sida 11,000 oo tan oo raashin iyo alaabo gargaar ah ayaa shalay Turkigu usoo diray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Markabkaa ayaa waxaa uu kasoo shiraacday magaalo xeebeedka Turkiga ee Mersin. Raashinka lasoo saaray markabkaa ayaa waxaa kujira bur iyo sonkor iyo raashin kale oo quutul...
Wakiilka QM ee Somalia Micheal Keating, ayaa shaki geliyay doorashada Somalia ee sannadkan inay ku dhacdo xilligii loo qabtay; isagoo Xusay in Beesha Caalamka xisbiyada siyaasada iyo bulhada rayidku aanay Aqbali doonin khilaaf Siyaasadeed oo sabab u noqda inay dib u dhacdo doorashada sannadkan.
Danjire Keating oo la hadlayay BBC-da...
Baanka Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa gaashaanka u daruuray warar laisugu gudbinaayo baraha bulshadu ku wada xiriirto ee (social media) kuwaasoo sheegaya in xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka laga saaray oo dawlada Kenya ay ka saartay.
Baanka Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa bartiisa twitterka ku qeexay in Faafinta Rasmiga ah ee...
-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo faragaliyay mamnuucida diyaaradaha Kenya ee qaadka dawlada Soomaaliya ay ka mamnuucday dalkeeda.
Afhayeenka dawlada Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru uu la xiriiray madaxwenaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud si uu xayiraada uga qaado jaadka si dalkiisa mar kale loo geeyo, waa sida...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Dr. C/salaan Hadliye Cumar, ayaa maanta kaga Guddoomay Xafiiskiisa Nuqullo ka mid ah; Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka Cusub ee Dowladda Jabuuti u Qaabilsan Soomaaliya, Aden Hassan Aden.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka...
Safiirada Somalia u fadhida dalka Pakistan Khadijo Maxameed Al-makhtuumi, ayaa la Kulantay Wasiirrada Waxbarashada iyo Caafimaadka ee Waddanka Pakistan, kuwaasoo ay kala hadashay arrimo fara badan oo muhiimad gaara ah u leh labada waddan.
Danjire Khadija oo kulanka koowaad la qadatay Wasiirka Waxbarshada, Muhamad Baligh-u-Rehman ayaa waxyaabihii laba dhinac ay...


















